Wada hadal u socda Soomaaliya iyo Imaaraadka

by admin | Monday, Apr 16, 2018 | 1158 views

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo maalmahan khilaafkooda uu cirka isku shareeray ayaa waxaa u bilowday wada hadal ay kaga wada hadlayaan xiisada u dhaxeysa labada dal.

Kulamada wada hadalka ah ee u dhaxeeya labada wadan ayaa waxaa yeelanaya Madaxda ugu sareysa ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, oo ka xaajoonaya sidii Caleemo qoyan loo saari lahaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da isaga oo ka mid ah wafdiga Sacuudiga uga qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in aysan jirin dhexdhexaadin socoto iyo kulamo lagu balamay, balse uu jiro wada hadal meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya Madaxda sare ee labada dal.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa beeniyay in Dowladda Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga dacwootay dalka Sacuudiga, kadib markii maalmahan warbaahinta qaar ay baahiyeen warar ku saabsan arrintan.

“Run ma ahan in Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga dacwootay Sacuudiga, warkaasi war dhab ah ma ahan, hada dhexdhexaadin socoto malahan, laakiin waxaa jira wada hadalo u dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, oo meel wanaagsan maraya.” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Khilaafka u dhaxeeya labadan wadan ayaa xoogeystay kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay cambaareysay saldhigga Imaaraadka uu ka dhisayo degaanada Somaliland iyo markii Ciidanka NISA ay la wareegeen lacag Imaaraadka Carabta uga soo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response