Wadooyinka Muqdisho oo saakay markale xiran

by admin | Friday, Apr 6, 2018 | 1009 views

Waxaa saakay markale xiran qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah oo soo maray qaar ka tirsan wadooyinkaasi.

Shalay oo Khamiis aheyd iyo maalinkii ka horeysay oo Arbacao aheyd ayaa Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka waxa ay xireen wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, iyada oo Arabacadii uu jiray kuanka Baarlamaanka, balse shalay aanan la ogeyn sababta ay u xireen.

Maanta oo Jimco ah markale waxaa xiran wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, waxaana ujeedka lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayo Tartanka Orodka gaaban (Mini Marathon).

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Tartankan oo lagu qabanayo wadada xiriirisa KM4 ilaa Daljirka Daahsoon.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe xiray wadada Maka Al-mukarama, waxaana loo diidayaa in ay maraan gaadiidka dadweynaha iyo Mootada Bajaajta, xitaa shacabka ayaa mararka aanan loo ogolaaneyn in ay lugtooda u maraan.

Sidoo kale waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, gaadiidka dadweynaha ayaanan isaga kala gudbi karin isgoysyada wadadaasi, waxaana shacabka ay sheegeen in arrintan ay tahay dhibaato soo korortay.

“Wallaahi hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho dhib badan ayaan ku qabnaa, ujeedo iyo ka jeedo la’aan wadooyinka waala iska xiraa, sidaasi xal ma ahan, Dowladda hala timaado qorshe cad.” Ayuu yiri C/laahi Xasan oo ka mid ah shacabka ku nool Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyada oo xireysa wadooyinka Muqdisho ayay hadana weli dhacayaan dilalka iyo qaraxyada ay geysanayaan ururka Al-shabaab, taasi oo sabab u ah Hay’adaha ammaanka oo shaqooyinkooda ka gaabiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response