Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo saakay xiran

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 920 views

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan aad u hadal haya shacabka Soomaaliyeed.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Maana Booliyo, Darjiinka, Isgoyska Jubba iyo kuwo kale, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa wadooyinkaasi ka celinaya dhammmaan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta u shaqeeya dowladda iyo gaadiidka kale ee shacabka ay wataan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in iyaga xitaa aanay garaneyn sababta wadooyinka loo xiray, balse amarkan uu ka soo baxay Taliyeyaashooda.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay iyada oo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul Adxaa in wadooyinka magaalada la xiro.

Like it? Share it!

Leave A Response