Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran

by admin | Monday, Apr 9, 2018 | 1189 views

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata.

Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa cod u qaadista Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tiro Saddex jeer ah baaqday.

Ciidamo cusub oo laga soo bixiyay xerooyinkooda ayaa lagu soo daadiyay Isgoysyada Magaalada, kuwaasi oo wata Hubka culus, waxayna taagan yihiin Isgoysyada Magaalada, iyaga oo ku jira feejignaan dheeri ah.

Isgoysyada saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Tarbuunka, Sayidka, Shaqaalaha KM4 iyo Isgoyska Dabka, iyada oo sidoo kale ay jiraan wadooyin kale oo xiran.

Gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah ayaanan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda, waxayna isticmaalayaan qaarkood wadooyinka qarda jeexa ah, halka qaarka kalena ay maanta sameeyeen shaqo joojin.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo weliba Gaadiidka Ciidamada si buuxda loo hubinayo.

Isgoysyada Magaalada waxaa lagu jaray Gaadiidka Beebaha iyo Cabdi Bilaha oo ay hor fadhiyaan Ciidamo wata qoryaha cul culus oo uu ka mid yahay 7-ka, xitaa waxaa jirta in dad shacabka ah lugtooda in ay ku maraan loo diidayo wadada u dhaxeysa Dabka ilaa Madaxtooyada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga dhawr sugaya waxa ka soo baxaya kulanka Baarlamaanka oo xildhibaanada ay laba qeybood ugu qeybsameen, iyada oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal uu ka dhaco.

Like it? Share it!

Leave A Response