Wafdi ka socda dowladda oo ka qeyb galaya shir ka socda dalka masar.

by admin | Monday, Sep 19, 2022 | 343 views

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xildhiban Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha 48aad ee Shaqada Jaamacadda Carabta, kaas oo Maalintii labaad ka socda Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Kulanka koowaad ee fadhiga 48aad ee shir weynaha Shaqada ayaa looga hadlay arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta Bulshada , hababka cusub ee shaqada, ilaalinta Bulshada iyo dhaqaalaha dhijitaalka gaar ahaan xaaladaha cusub ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ku shaqeeya dhijitaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response