Wafdi ka socda Kenya oo kusoo wajahan Muqdisho & ujeedkooda oo la ogaaday

by admin | Sunday, Jan 10, 2021 | 339 views

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo axad ah inay so gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kala hadlaya arrimo dhowr ah.
Wafdiga oo ka socda Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa la kulmi doona Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda, iyaga oo la qaadan doona wada hadallo lagu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, kadib markii uu xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya.
Shalay Muqdisho waxaa soo gaaray Wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo dhawaan tegay Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo Madaxda IGAD dib ugu celin doona waxyaabihii ay soo arkleen iyo kulamadii ay la qaateen mas’uuliyiinta labada dhinac.
Wafdiga ayaa shalay waxaa ay sidoo kale la kulmeen Xubno uu kamid yahay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in Maalinta Isniinta ah ee soo socota uu Madaxweyne Farmaajo tagayo dalka Jabuuti si mar kale IGAD u bilowdo dadaalada lagu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya & Kenya.
Labadii Sano ee la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana khilaafkooda uu gaaray in dowladda Soomaaliya ay xiriirka doblumaasiyadeed u jarto dowladda Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response