Wafdi Maanta ku wajahan Cadaado iyo diyaar garoow ka jira

by admin | Tuesday, Jun 25, 2019 | 769 views

Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah inay gaaraan Wafdi isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka, iyada oo diyaar garoow haatan uu ka socdo Magalada Cadaado.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa qeyb ka noqon doona xalinta xaaladaha kusoo kordhay deegaanada Galmudug, iyada oo sanad iyo bilooyin kadib Madaxweyne Xaaf uu xalay ku hoyday Magaalada Cadaado.

Wafdiga ka socda Dowladda ee Xildhibaanada iyo Wasiirda ah ayaa kulamo waxaa ay la qaadan doonaan Madaxweyne Xaaf iyo Odayaasha iyo waxgaradka Magalada Cadaado, iyaga oo kala hadli doona sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha ka jira deegaanada Galmudug.

Magalada Cadaado ayaa saakay waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga ka socda Dowladda Federaalka ee Maanta tegaya,waxaana aad loo adkeeyay Amniga Magalada Cadaado.

Like it? Share it!

Leave A Response