Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne Farmaajo oo talyaaniga ku wajahan

by admin | Monday, Nov 19, 2018 | 789 views

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga sidda ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Madaxtooyadda.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah xildhibaano, Wasiiro iyo xubno ka socda Madaxtooyadda, waxaana la sheegay in booqasho dhowr maalmood qaadan doonta uu ku tagi doono Talyaaniga.

Waxaa lagu waddaa in uu kulan la yeesho Madaxda ugu sareysa dalka Talyaaniga, sidda Madaxweynaha iyo hay’addaha sidda gaarka ah u taageera Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid aheyd dowladdihii taageeri jiray Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinaysa in dib loo soo celiyo taageeradii Talyaaniga ee xooganeyd.

Like it? Share it!

Leave A Response