Walwal ka dhashay fatahaad Wabiga Shabeelle oo ku sameeyay Xaafadda Howlwadaag oo ka taagan Xaafadaha kale ee Magaalada.

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 447 views

Xaafadda Howlwadaag Degmada Baladweyne Gobolka Hiiraan waxaa fatahaad ku sameeyay Wabiga Shabeelle, qoysaskii dhawaan dib ugu laabtay Magaalada ayaa bilaabay in ay barakac sameeyaan.

Walwalka waxa uu gaaray xaafadaha kale Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii uu buux-dhaafiyay Biyaha Wabiya oo ay ku hooreen xareedka roobka saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay Bartamaha Dalka.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kormeeray goobaha biyaha fatahaaddu fadhiisteen ayaa sheegay in ay walwal ka qabaan arrintaan maadaama joogto noqotay, isla markaana biyaha ay ku wareegsan yihiin Xaafadaha.

“Waan yaabanahay, waa joogto fatahaadda Magaalada Baladweyne, ilaa 500-qoys ayaa ka barakacay daadadka, Gudaha waa fatahaad, halka marka ay tagaan duleedka abaar ka jirto oo aysan heleen gargaar joogto ah oo ku filan” ayuu yiri Cismaan Dhicisow DhuubowGuddoomiyaha Baladweyne.

Taliyaha qaybta Booliiska Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in walwalka ugu weyn uu ka jiro Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii lagu wargeliyay in Biyo badan ay kasoo gudbeen dhanka Itoobiya oo Wabiga ka yimaado.

“Waxaa nasoo gaaraya in Biyo badan Wabiga Shabeelle soo raaceen, taas waxa ay sababi kartaa fatahaad kale oo barakicisa dadka Magaalada Baladweyne oo labo bilood iyo bar kahor Wabiga uu karkaarada ku jabsaday” ayuu yiri Isaaq Cali Cabdulle Taliyaha qaybta Booliiska Baladweyne.

Magaalada Baladweyne waxaa soo maray fatahaad Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay marar kala duwan, waa ay kala saameyn badneed, waxaana mar biyaha wabiga kasoo baxay ay ka sare mareen Xaafadaha, taasi waxa ay sababtay in Doomo la adeegsado.

Like it? Share it!

Leave A Response