WAR DEG DEG AH: AMIIRO ALSHABAAB AH OO DUQEYN LAGU DILEY.

by admin | Monday, May 25, 2020 | 506 views

faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Duqeymo Diyaaradeed oo kadhacey Deegaano ka kala tirsan Gobolada Baay, Shabeelaha Hoose iyo Degmada Jamaame Gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Kuunya_Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose Duqeyn kadhacdey ayaa lasheegey in lagu beegsanayey Amiir sare oo katirsan walaayada Shabeelooyinka oo magaciisa lagu sheegey Abuu mucaad.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in masuulkan iyo 25 Askari Duqeynta wax yeelo kasoo gaartey, waxaana warar soo baxaya sheegayaan 10 kamid ah dagaal yahanadaan ku geeriyoodeen goobta lagu duqeeyey halka 15ka dagaalyahan kalana ay garaab yihiin.

Degaanka Buula_fulaay oo katirsan Gobolka Baay ayaa lagu soo waramayaa in caawa halkaasi lagu diley 7 Amiir oo uu kujiro Seediga Amiirka Alshabaab Xilli ay safar dhulka ah kujireen oo kabaxeen Deegaanka Buula- Fulaay oo maalmahan casharo Dowro ah kabixinayeen Deegaanka buulo fulaay.

wardoonka soomaaliya ayaa sheegey in howl galkaan ahaa mid gaar ah oo lagu beegsanayey Amiiro Alshabaab ah oo simanaar(Dowro) ugu socodey daagaankaas iyo macalimiintooda, kuwaas oo gaarayey 34 amiir oo mudo 9 maalmood halkaas Tababoro muhiim ah uga socodey waa sida halka udhigey sarkaal katirsan Nabad suggida soomaaliya oo howl galka qeyb ka ahaa oo diidey in magaciisa saxaafada loo adeegsada.

Degamada Jamaame oo katirsan J/Hoose ayaa lagusoo waramayaa in 50 dagaal yahan lagu diley halkaasi kadib markii laduqeeyey Xero ciidan oo kutaalada halkaasi, saraakiil katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa sheegey in ay og yihiin duqeynta Jamaame in ay ku dhinteen dagaal yahano kor udhaafaya 50 ruux ayagoo dhaawaacna ku sheegey kudhwaad 90 qof.

xiriiro madax banaan oo aan lasameyney ayaana noo suuragalin isgaar siinta deegaanka oo hawada kamaqan awgeed.

Like it? Share it!

Leave A Response