War deg deg ah: Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyayaashii Liyuu Boolis oo la xiray

by admin | Tuesday, Aug 7, 2018 | 802 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Federaalka dalka Itoobiya ay xireen madaxweynihii hore iyo qaar ka mid ah saraakiishs Liyuu Boolis.

Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamada sida uu xaqiijiyay wargeyska Adis Standard ee ka so baxa Adis ababa.

Xariggooda kaddib waxaa loo duuliyay Magaalada Adis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya,halkaas koo xabsi ay leeyihiin Ciidamada la geeyay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xilka Madaxweynaha iska casilay shalay,waxaana la sheegayaa in galabta ay Ciidamada Federaalka ah qabteen isaga iyo saraakiisha una kaxeeyeen Adis ababa.

Like it? Share it!

Leave A Response