WAR DEG DEG AH: DUQEYMO LAGU KHAARIJIYEY AMIIRO IYO DAGAAL YAHANO KATIRSAN ALSHABAAB.

by admin | Monday, May 11, 2020 | 455 views

Duqeymo xoogan ayaa caawa ka kala dhacey degmooyin katirsan Jubooyinka iyo Deegaanka Haway ee dhaca Gobolka shabeelaha Hoose.

Degmada Jamaame ee Gobolka J/Hoose ayaa lagu soo waramayaa in caawa laduqeeyey Xero ay kusugnaayeen Dagaalamayaasha Alshabaab xilli ay muxaadaro lagu baraarujinayey dagaalamayaasha ugu socotey halkaasi.

saraakiil sare oo katirsan Ururka Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta kusugnaayeen xilaga duqeynta dhaceysey, waxaana durba hawada laga saarey isgaarsiintii deegaanka.

ciidankan ayaa lasheegey in loo diyaarinayey in ay weerar culus ku qaadaan Deegaanka Baar Sanguuni oo 50KM ujirta magaalada Kismaayo xaruunta KMG ee maamulka Jubaland.

Dhinaca kale Degmada Jilib ee dhacda Gobolka J/Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in caawa weerer diyaaradeed lagu diley xubin sare oo katirsnaa Ururka Alshabaab sargaalkan oo magaciisa lagu soo koobey Yuusuf ayaa lasheegey in uu kamid yahay Golaha Fulinta Alshabaab kuwaas oo ah golaha ugu awooda badan Ururka dhexdiisa.

Duqeyn 3aad oo kadhcdey deegaanka Haway oo dhaca Gobolka Sh/ Hoose ayaa caawa lagu khaarijiyey Lateliyihii Amiirka Alshabaab Abu Cubeyda sida ay xaqiijinayaa ilo kudhow dhow sirdoonka soomaaliya Mustaf Caato oo larumeysan yahay in uu ahaa lateliyahii Gaarka ahaa ee Amiirka Alshabaab ayaa laxaqiiyey geeridiisa saacad kadib markii laduqeeyey Goob uu kusugna.

2 sarkaal iyo 6 dagaal yahan oo ilaalidiisa ah ayaa lasheegeyaa in ay kudhinteen howl galkan lasheegey in ay iska kaashanayeen Nabad suggida Soomaaliya iyo Qaar kamid ah saaxiibada soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response