WAR DEG DEG Ah.Masuuliyeen ka Tirsan Maamulka Degmada Maxaas Oo Qarax ku Geeriyooday.

by admin | Friday, Apr 19, 2019 | 837 views

Wararka imaanayo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa Sheegayo in Halkaasi Uu ka dhacay goordhow Qarax Miino ah oo Sababay Qasaaro Dhimasho ah.

Gudoomiye ku Xigeenkii Amniga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Rashiid Cismaan Carab ayaa waxaa ku geeriyooday Qarax Miino oo ka dhacay Degmadaasi.

Ciidmada Dowlada ayaa Gaaray halka uu ka dhacay Qarax miinada ah waxaana ay bilaabeen Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka Degmadaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response