war deg deg ah: Qaxxoogan ayaa cawaa ka socda magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.{sawiro}

by admin | Thursday, Apr 26, 2018 | 1541 views

Magaalada Beledweyne waxaa ka socda barakici ugu xooganaa oo ku saabsan fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee mara gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Biyaha ayaa si xoowli ah ugu fidaya xafadaha aay ka koobantahay magaalada Beledweyne,waxaana halkaas saga barakacay dadkii ku dhaqanaa oo u guuray duleedka magaalada Beledweyne.

Biyaha ayaa laga cabsiqabaa in aay jaraan wadada weyn ee isku xerta magaalada Beledweyne iyo degaanka Ceel-Jaale oo aay dadku u barakaceen.

wariye  ku sugan magaalada   baladweyne ayaa  u sheegay warbaahinta   CNN  in   xitaa   xarumihii  maamulka ay cawaa  biyo badan galeen.

Xaafaddaha ugu badan ee laga barakacay ayaa waxaa ka mid ah Xaawo-Taako Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Biyaha hadda dadka barakiciyay ayaa ah xereeda roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada kaddib markii Wabiga oo buux dhaafay uu dib ugu soo rogay biyaha xaafaddaha magaalada.

Ma jiro ilaa iyo hadda kaalmo muuqata oo la gaarsiiyay dadka ka barakacay fatahaada marka laga reebo Bacaha laga gallo roobka oo ay gaarsiiyeen maamulka gobolka Hiiraan.

hada  biyaha   xowli ayay u socdaan qasaare   hantyeed ayaa jirto sidaas waxaa yiri.wariye ku sugan magaalada  baladweyne ee xarunta gobolk hiiraan.

http://xoghoose.net/wp-content/uploads/2018/04/

 

 

 

http://xoghoose.net/wp-content/uploads/2018/04/

 

http://xoghoose.net/wp-content/uploads/2018/04/

Like it? Share it!

Leave A Response