War deg deg ah: Waaxda Difaaca Maraykanka Oo Shaacisay Magaca Askarigii Looga Dilay Dagaalkii Alshabaab

by admin | Sunday, Jun 10, 2018 | 1200 views

magaca Askarigii Maraykanka ee dhawaan lagu dilay dagaalkii Ciiddanka Maraykanka iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Kismaayo.

Magaca Askariga lagu dilay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay Saddex Alifle Alexander W. Conrad, oo 26-jir ah, kaasi oo ka tirsanaa Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo North Carolina.

Askarigaasi waxaa la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo magaalladda Chandler ee Gobalka Arizona,

Dhinaca kale, Waaxda Difaaca Maraykanka weli ma aysan shaacinin afarta Askari ee Ciiddanka Mraaykanka looga dhawaacay dagaalkii ay Alshabaab jimcihii hore kula galeen Deegaanka Sanguuni oo uu maro dhul-baraha Adduunka.

Geerida Askarigaasi ayaa ah kii  2-aad ee Ciiddanka Maraykanka looga dilo Somalia, iyadoo Askarigii ka horreyey lagu dilay bishi iMay ee saannadkii hore Hawlgal ka dhacay meel 64 KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response