WAR DEG DEG Ah:.Xiisad udhaxeeyso Masuuliyeen ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan oo Caawa Baladweyne ka Taagan

by admin | Sunday, Feb 17, 2019 | 881 views

Xiisad udhaxeeyso Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar iyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka cabdi Raxiin Taakoy Ayaa ka taagan gudaha Magaalada Baladweyne.

Ciidamo hubeeysan ayaa la wareegay guriga uu ka dagnaa Gudaha Xirada lamagalaay Gudoomiye ku xigeenka arimaha Amniga Gobolka Hiiraan.

Xiisadan udhaxeeyso masuuliyeenta ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa salka ku hayso hadal shalay uu Deegaanka jawiil ka jeediyey Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakoy.

Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidamada Xooga Dalka Gobolka Hiiraan iyo iyo Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka Gobolka ayaa wado dadaalo lagu joojinayo Xiisada waxaana ciidamadii laga qaaday guriga Gudoomiye Xigeenka Arimaha Amniga Gobolka

Like it? Share it!

Leave A Response