war deg deg ah:Askari Mareykan ah oo lagu dilay Soomaaliya{akhriso}

by admin | Saturday, Jun 9, 2018 | 1027 views

Al-shabaab ayaa weerar ku dilay Hal askari oo Maraykan ah, sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay afar askari oo Maraykan ah, ugu yaraan laba askari oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay weerarka.

Ciidanka Maraykanka ayaa waday hawlgal ay ku taageerayeen ciidmada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Shabaab, weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Sanguuni ee Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada askariga Maraykanka ah, Ciidamada Soomaaliya iyo askarta Maraykanka ah ee caawinayay ayaa ku guda jiray in ay dhufayso qotaan iyaga oo difaacooda xoojinayay xiliga ay Shabaab la beegsadeen weerar kadis ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Shabaab ay dhowr qarax la beegsadeen ciidamada Soomaalida iyo Maraykanka ee wada socday kadibna ay rasaas xoog badan ku fureen, goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay qaaday dhaawaca.

Bishii May ayaa Hal askari oo Maraykan ah lagu dilay tuulada Daara Salaam ee Shabeelaha Hoose, Askrigaasi ayaa noqday kii ugu horeeyay ee ciidanka Maraykanka looga dilo Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii xiligaasi oo la soo riday diyaaradii ciidamada Maraykanka ee nooceedu ahaa Black Hawk.

Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay qaadayaan tan iyo bilawga bisha Ramadaan iyaga oo sheegtay weerro badan oo xiriir ah oo ka dhacay gobolo kala duwan.

http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/06/

Like it? Share it!

Leave A Response