War qoraal ah oo ka soo baxay dalada udooda xuquqada suxufiyiinta gobolka hiiraan ayaa lagu sheegay in baladweyne wariyasaha jooga lacaburiyo .

by admin | Tuesday, Jul 10, 2018 | 1002 views

 

Qoraalkaan ka soo baxay umbrella for rights of journalists in hiiraan region dalada udooda xuquqada suxufiyiinta gobolka hiiraan. ayaa lagu sheegay in ay ka xuyihiin xariga loo geystay cabdishakuur maxamed xasan oo ka howlgala warbaahinta badaxa banan Radio codka hiiraan ee magaalada beledweyne.

Waxaana ay sheegeen mas’uuliyinta daladaan in ay tahay wax laga xumaado in laxero wariyaha isaga oo aan loo soo marin wax sharci ah xeritaankiisa .

sidoo kale waxaa ay sheegeen in in mas.uuliyin ka tirsan maamul ka gobolka hiiraan ay ku lugyeshen tacadiyadii ka dhacay gobolka hiiraan waxaana ay shegeen in dhawaan ay soo bandhigi doonaan warbixino iyo codad hanajabaad ah,

Dunidaan casriga ah ee aynu ku nool nahay waligeed waxaa horseed iyo hormuud u ahaa saxaafada . Soomaalida waxay tiraahdaa “warbaa ugu gaajo kulul” taasoo marqaati ka ah in saxaafadu ay ka mid tahay baahiyaha koowaad ee aadanahu ubaahanyahay in laga haqab tiro.

 

Inkastoo aysan jiran gobolka hiraan dadlad lagu mideysanyahay warbaahinta gobolka hiiraan hadana dhawaaqaqayladda aan aduunka gaarsiinayno waa mid naga go’an oo geed gaaban & mid dheerba aan u fuulayno sidii gobolka hiiraan ugu mid noqon lahayn meelaha gaaray saxaafadda xorta ah anaga oo marar kala duwan ka soo saarnay qoraalo aan ku muujinayno xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka hiiraaan & khataraha ay marwalba la kulmaan wariyiha gobolka hiiran .

isbuucaan gudihiisa magaaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxaa lagu xeray ku dhawaad 2 wariye ku waa oo ilaa hada aan la sheegin sababta loo xeray,

Wariyaasha gobolka hiiraan ayaa ku shaqeeya xaalad aad u adag mana helaan wax aqoon korosi saxaafeed ah oo loo qabto wariyaasha gobolka hiiraan.

 

Warkaan qoraal ah ee ka soo baxay dalada u dooda xuquuqda suxufiyiinta gobolka hiiraan ayaa lagu sheegay bishii hore in soo saareen Repot 10 Bog ah kaas oo ay cinwaan uga dhigeen Khataraha ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta gobolka hiiraan sida aysan u haysanin wax xoriyada ah, waxayna si weyn diiradda u sareen xaaladda dhabta ah ee wariyaasha gobolka hiiraan , & khataro badan oo ay la kulmeen wariyaal .badan oo ku sugan gobolka hiiraan oo qaarkood la kulmay dhibaateyn loo geystay.

Qoraalkaan ka soo baxay umbrella for rights of journalists in hiiraan region dalada udooda xuquqada suxufiyiinta gobolka hiiraan. ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid meelo badan taabanay waxayna Dalladdu gaarsiisay Hay’ado waaweyn oo caalami ah si wax looga qabto dhibaatada saxaafadeed ee ka jirata gobolka.

 

Dalada u dooda xuquuqda suxufiyiinta gobolka hiiraan’

wa xaa la aasaasay bishii jan 2014 si kor loogu qaado loona ilaaliyo xoriyadda saxaafadda iyo danaha suxufiyiinta,

Burburkii dowladii dhexe ee Somalia kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax banaan oo isku howshay soo tabinta warar iyo barnaamijyo wax tar u leh bulshada.

 

W/D: Bashiir cabdulahi cismaan

Bashka694@gmail.com

Beledweyne.soomaaliya

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response