Warar ka soo kordhay degaanka Baar-sanguuni{AKHRISO}

by admin | Sunday, Jun 10, 2018 | 1180 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degaaanka Baar-sanguuni, Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa baneeyay Degaankaasi, kadib markii ay kordheen weerarada Shabaab ay la beegsanayaan halkaasi.

Degaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Jimcihii ina dhaaftay weeraray ururka Al-shabaab, weerarkaasi waxaa khasaare lagu gaarsiiyay ciidankii halkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale ismiidaamiye ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo kaxeynayay gaari Caasi ah oo waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa shalay gelinkii dambe isku qarxiyay afaafka hore ee xerada, Shabaab waxay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen askar ka badan 50.

Ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay inay ka baxaan degaankaasi, waxaana la soo sheegayaa in diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca looga soo daadgureeyay Baar-sanguuni, isla-markaana ay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah, saqdii dhexe ee xalayna waxay ku hoydeen meel u dhow Degaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo.

Dadka degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen markii ay ciidamada ka baxeen degaanka in ay durba la wareegeen ururka Al-shabaab oo ku sugnaa banaanka degaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response