Wararka Saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada Itoobiya oo la dilay Wararka Saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada Itoobiya oo la dilay

by admin | Wednesday, Oct 28, 2020 | 398 views

Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa sheegtay in la dilay labo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda kuwaas oo ay weerareen koox hubeysan oo aan la garaneyn.

Dilka ayaa ka dhacay gobalka cafarta ee Itoobiya xilli ay shaqada ku sii jeedeen saraakiisha la dilay.

Wasaaradda waxbarashada waxaa qoraal ay soo saartay ugu tacsiyeeysay ehelada iyo qoyska ay ka baxeen labada shaqaale.

Maluto iyo Abebow ayaa ahaa shaqaale muddo badan ka shaqeynayay arrimaha waxbarashada Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response