Wararkii U Dambeeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

by admin | Friday, Mar 1, 2019 | 1042 views

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaan weli deganayn kadib xalay ay ka dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah kuwaas oo lala eegtay goobo ganacsi iyo hotel ku yaal bartamaha wadada maka-almukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan qeybha magaalada Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK oo ku dhegan hotelka caanka ah ee maka Almukarama waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo Gaaray dad ganacsiyo ku lahaa goobtaas iyo kuwa kale oo ku tamashleynayay iyo dad kale oo iyaguna ku socdaalayayay saarnaana gaadiidka dadweynaha.

Qarax kale ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn goobtii hore isla gelinkii hore waxaana la sheegay in uu aad u yaraa khasaaraha qaraxa dambe,waxaana jiray risaas toos ah oo ay isku adeegsanayaan ciidamada amniga iyo debleydii weerarkii fuliyay oo ka tirsanaa Alshabaab.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in weli rasaas iyo qaraxyo ay ka dhacayaan gudaha hoteelka Hilaac UK taas oo ka dhigan in weli ay ka dhx dagaalamayaan kooxdii weerarka soo qaadday,waxaana khasaaraha ilaa iyo haatan la sheegay in uu gaarayo in ka badan 15-ruux

Like it? Share it!

Leave A Response