Wararkii ugu dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada Uganda oo Askar kale ku dilay Xalane

by admin | Monday, May 13, 2019 | 745 views

Askari ka tirsan Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maalintii Sabtidii xerada Xalane ku toogtay Saddex askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Sida wararka sheegayaan askariga toogashadan geystay ayaa waxa uu muran kala dhexeeyay Kormeerihiisa, kaasoo ay shaqo isku qabteen, taasoo markii dambe keentay inuu goobta ka dhaco gacan ka hadal iyo rasaas

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan in goobta lagu dilay Kormeeraha iyo labada askari ee ilaalada u aheyd, halka markii danbena uu gacantiisa isku dilay askariga Uganda u dhashay ee falka toogashada ah geystay.

Warbaahinta Uganda oo dhacdadan wax ka qortay wali ma aysan soo bandhigin magacyada askarta iyo Sarkaalka xerada ugu weyn AMISOM ee Xalane lagu dilay, sidoo kalena ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay gacan ka hadalka.

Brig Richard Karemire oo ah Afhayeenka Ciidanka Difaaca wadanka Uganda ayaa Suxufiyiinta Kampala u sheegay inay wadaan baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, dibna Saxaafada kala soo wadaagi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response