Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyo ka dhacay Baydhabo iyo Xudur

by admin | Thursday, Nov 15, 2018 | 742 views

Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa kala cayriyay Dad Shacab ah,kuwaasoo Banaanbax ka sameeyay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka Banaabaxa dhigaayay ayaa la sheegay in qaarkood ay taageerayaan Mid ka mid ah Musharaxiinta maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaasi ay taageeraayeen Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay Banaanbax lagu dalbanaayo in doorasho xalaal ay Ka dhacdo KGS lagana daayo shacabka Iyo xildhibaanada in la caburiyo loona adeegsado awood.

Shacabka Koonfur Galbeed qaarkood ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegayay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay faraha kula jirto doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response