Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhacay degmada Buurdhuubo

by admin | Tuesday, Mar 20, 2018 | 1112 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidanka Dowladda iyo ururka Al-shabaab ku dhexmaray xalay fiidkii degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii xoogaga ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen mid ka mid ah fariisimaha Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Buurdhoobo Xasan Maxamed Cali (Xasan Yare) oo la hadlay  warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay weerarka inuusan aheyn mid culus, aysana jirin khasaare ka dhashay oo dhankooda ah.

“Nimankii cadowga ahaa ayaa maqribkii waxa ay tiro rasaas ah ku soo rideen mid ka mid ah aagga Ciidan ee ku yaalla banaanka Magaalada, kadib Ciidamada ayaa u jawaabay oo iska difaacay, anaga dhankeena wax khasaare nama soo gaarin.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in weerar xoog ku gal ah ay ka fuliyeen saldhigyo Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Waxay kaloo Shabaab sheegeen raggii iyaga ka tirsanaa in mudo kooban ay la wareegeen xaafado ka tirsan degmada Buurdhuubo, kana sameeyeen baaritaano, sida ay sheegteen.

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa goobihii uu dagaalka ka dhacay, Ciidamada Dowladda ayaa baaritaano ka wada guud ahaan Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Buurdhuubo.

Like it? Share it!

Leave A Response