Wararkii ugu dambeeyay degmada Balcad iyo ujeedka Al Shabaab ay u weerareen oo la ogaaday

by admin | Tuesday, Mar 19, 2019 | 887 views

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacado kadib la wareegay gacan ku heynta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo saacado kooban ay maamulayeen ciidamada Al Shabaab.

Ciidamada Al Shabaab ayaa markii ay la wareegayeen degmada Balcad waxay ka weerareen seddex jiho oo kala ah dhanka waddooyinka ka yimaada degmooyinka Afgooye iyo Jowhar iyo waddo Jaay ah oo degmada Balcad gasha.

Dagaal Khasaaro geystay ayaa ka dhacay degmada, Waxaana saaka magaalada laga hadal hayaa weerarka Al Shabaab ay kula wareegeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, muddo sanad kadib.

Al Shabaab ayaa sii daayay maxaabiis ku xirnaa saldhiga degmada Balcad, Xarunta degmada iyo Xarunta Hay’adda Nabad sugidda degmada. waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Al Shabaab ay doonayeen inay maxaabiista sii daayaan.

Al Shabaab ayaa intii ay ku sugnaayeen degmada Balcad waxay ku gubeen gaari uu lahaa xildhibaan Xasan Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle. gaari uu lahaa Agaasimaha Radio Balcad oo lagu Magacaabo Cabdi Xakiin Xuseen.

Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay gubeen Gaari iyo Dukaan uu lahaa Nin lagu Magacaabo Aw-Daahir oo ah Madaxa Shatiyada Gaadiidka degmada Balcad, sida masuuliyiinta degmada Balcad ay sheegeen.

Abaara 12:00 Habeenimo ayaa Al-Shabaab ay guud ahaan isaga baxeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo mudo saacado ah ay heysteen waxaana dib ugu soo laabtay ciidamada dowladda oo markii hore isaga baxay.

Like it? Share it!

Leave A Response