Wararkii ugu dambeeyay duqeyn xalay ka dhacday Shabeellaha Dhexe

by admin | Wednesday, Oct 3, 2018 | 846 views

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa duqeyn xalay 12:00 habeenimo laga fuliyay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Idaacadda Risaala waxa ay sheegeen duqeyntan in si gaar ah loola beegsaday deegaan ku dhaw deegaanka Basra oo sida la sheegay isku aruursanayeen ciidamo ka tirsan Shabaab.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen duqeyntan in loo adeegsaday hoobiyeyaal iyo qoriga BM-ka loo yaqaan ee ay isticmaalaan Ciidamada.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay fuliyeen diyaarado dagaal, ciidamada Shabaab ka tirsan ee la duqeeyayna, ay yihiin kuwa shalay deegaanka ilbaq ka afduubtay gaari qaad siday iyo darawalkii la socday.

Al Shabaab ayaa la sheegay ciidankoodii afduubtay gaarigaasi qaadka siday inay la tageen meel ku dhaw deegaanka Basra oo xalay duqeyntaasi ay ka dhacday.

Lama oga khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray duqeyntaasi ciidamada ay la eegteen, balse warar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare duqeyntaasi ka soo gaaray Ciidamada Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response