Wararkii Ugu Dambeeyay ee Xaalada Muqdisho & Qaabkii loo biliqeystay Saldhigii Imaaraadka ee…

by admin | Tuesday, Apr 17, 2018 | 925 views

Xaalad cakiran iyo qas ayaa ka dhex taagan ciidamadii Imaaradku tababarray ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo maanta ay fasaxeen Saraakiishii Imaaraadka ee gacanta ku hayey.
Ciidamadan oo ku jira saldhig ku yaalla degmada Hodon ayay saraakiisha Imaaraadka u u khidbeeyeen ciidamada una sheegeen inaysan heynin wax ay siiyaan, wixii maanta ka bilowday aysan joojiyeen taageeradooda ayna fasaxan yihiin wixii ay doonaan inay sameeyaan.
Dhamme C/llaahi Cumar Cali oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee ku sugan xerada Tababarka Dowladda Imaaraadka carabta ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay Gaadiid dagaal laga qaatay Xerada Gen Goordan ee magaalada Muqdisho oo Imaaraadka ku tababaro Ciidamada Soomaaliya, ayna gadoodsan yihiin ciidamada.
Wuxuu sheegay inuu bilowday dhac, ayna saraakiil ka tirsan Milterige ay Gaadiidka dagaalka ee milaterig oo xerada yaallay, waxayna xaaladu tahay mid kacsan oo ciidamadu ay doonayaan in dowladda lagu wareejiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response