Wararkii ugu Dambeeyay ee xallinta Xiisadda Beledweyne ka taagan

by admin | Wednesday, Apr 8, 2020 | 477 views

Waxaa Magaalada Beledweyne weli ka socda kulamo lagu xallinayo xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo 29-bishii march ee sannadkan xilka laga qaaday, ayadoo lagu bedalay Cali Jeeyte Cismaan oo markii seddaxaad xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan madaxweynaha hirshabelle uu u magacaabay.

Odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan Saraakiisha laamaha amniga Gobolka Hiiraan,iyo siyaasiyiin xilal kala duwan gobolka hiraan iyo hirshabelle kasoo qabtay ayaa wada kulamadaasi xal raadiska ah.

Cali Maxmed Caraalle guddoomiyihii hore ee gobolka hiiraan ayaa weli ku andacoonaya in aay sharciga baal marsan tahay xilka qadistii madaxweynaha hirshabelle uu ku sameeyya mr caraale,madama sida uu sheegay dastuurka hirshabelle uu qorayo  in wax xilka qaadista iyo magacaabid midkoodna aaysan dhici karin markii lagaaro ololaha doorashada Hirshabelle.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo labo maalin kahor muddo dhowr bil kaddib ah ku shaqo billaabay xaruunta maamulka gobolka hiiraan ayaa isne dhankiisa qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in xiisadan lagu soo afjaro oo si nabad ah aqalka mamulka gobolka looga wareejiyo guddoomiyihii hore ee gobolka hiiraan cali maxamed caraalle.

Bulshada gobolka hiiraan Dowllad ayaa goboleedka Hirshabelle madaxda ugu sareeysa ku eedeeyay isbedalka badan ee mamaulka gobolka hiiraan lagu sameeyo waxaana taasi aay keentay in guddoomiyayaasha xilalka laga qaado aay ka biya diidaan xilka qaadista lagu sameeyay,isla markaana qilaaf dheer iyo xiisad tagan dhowr Toddobaad kaddib aay arrinta dhamaato halka xilliyada qaarka aay gacan ka hadal gaarto oo aay dad ku dhintaan.
Bartamihii sanadkii hore qilaaf ka dhashay xilka qaadistii madaxweynaha hirshabelle uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka hiiraan yuuusf Axmed Hagar {Dabageed}, ayaa waxaa ku naf waayay taliyihii hore ee qeybta booliska hiiraan Kor Marxuum Maxamed Macoow Xallane oo ku dintay iska hor imaad ka dhacay deegaanka Kala-beyr.

Sikastaba lama oga natiijada kasoo bixi doonto kulamaha haatan soconaya oo lagu doonayo in qilaafkan lagu soo afjaro.

Like it? Share it!

Leave A Response