Wararkii ugu dambeeyay khasaaraa ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

by admin | Wednesday, Aug 10, 2022 | 370 views

Dagaal xoogan ayaa markale wuxuu ku dhexmaray degaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaadka macawiisleeyda oo garab ka helaya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawiisleyda ay weerareen degaanka Qabno oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dagaalka ku dhintay ilaa 8 Ruux oo dhinacyada ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada guutada 5aad ee qeybta 27aad ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa hoggaaminaya howlgallada Ciidamada dowladda ka wadaan inta u dhaxeeysa degmooyinka Matabaan & Maxaas, iyaga oo howlgalka kula wareegay dhowr degaano oo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response