Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxa Gaalkacyo

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 486 views

Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay banaanka hore ee Xarunta dowlada hoose ee ee Gaalkacyo  ee Galmudug.

Qaraxa ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen in uu ahaa Miino la geliyay fuusto qashin ah oo taallay banaanka hore Xarunta dowlada hoose, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay Afar qof oo laba kamid ah ay Askar tahay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xiliga qaraxa uu dhacayay ay socotay Shaqada Dowladda Hoose, isla markaana gudaha Xarunta uu ku jiray  Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo xubno la socday.

Ciidamada galmudug ee ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow la sheegay in ilaa iyo hadda aysan dad u qaban.

Mas’uuliyiinta Mamulka Magaalada Gaalkacyo iyo laamaha Amniga weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan.

Like it? Share it!

Leave A Response