Wararkii ugu dambeeyay Koox hubeysan oo weerartay Hoteelka SYL

by admin | Tuesday, Dec 10, 2019 | 686 views

Koox hubeysan oo ka tursan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Hoteelka SYL oo ku yaalla kasoo horjeedda xarunta Madaxtooyadda Qaranka.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxda hubeysan ayaa gudaha galay Hoteelka oo ay ka socdeen Kulamo, Xaflado sidoo kalena ay degan yihiin Siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Ciidanka Ammaanka ayaa soo badbaadiyay tobanaan ka mid ah dadkii ku jiray Gudaha Hoteelka oo kaabiga ku haaya Xarunta Madaxtooyadda Qaranka.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo weerarka ka dhashay, waxaana hadda socda dadaallo ku aadan in Kooxda weerartay Hotelka la toogto.

Hoteelka SYL  ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan.

Like it? Share it!

Leave A Response