Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Wednesday, Apr 17, 2019 | 758 views

Qarax ayaa ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa uu sababay gubashada seddex gaari oo yaalay agagaarka isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho,

Qaraxa ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu ka dhacay meel ku dhow Hotelka Mubaarak oo ku dhow isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka deg dega iyo wariyaasha ayaa horey loogu diiday inay horey ka tagaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan, waxaana gabi ahaanba la xiray agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray, kaasi oo sababay in gaadiid badan oo la dhigay agagaarka Hotela Mubaarak ay gubtaan.

Lama sheegin illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo xiray wadada soo gasha goobta uu qaraxa ka dhacay, iyadoo ay adag tahay in xog fiican laga helo qaraxa maanta dhacay.

Qaraxa ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay ciidamadii Booliska ee ugu badnaa laga wareejiyay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response