Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa iyo Weerarka Kismaayo

by admin | Friday, Jul 12, 2019 | 852 views

Qarax iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday Hoteelka Cas Caseey oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Hoteelka weerarka lagu qaaday waxaa degganaa dad shacab ah iyo masuulyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland,waxaana la sheegay in uu ahaa meel Mashquul badan oo bulsho badan ay ku kulanto.

Weerarka ka hor Qarax ayaa lagu  weeraray Hoteelka ka dibna Koox Hubeysan ayaa gudaha u galay Hoteelka.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in goobta ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Ciidanka Nabad sugida Jubbaland ayaa la sheegay in ay goobta gaareen, islamarkaana ay bilaabeen howlgal ay ku dagaallamayaan Kooxda weerartay Hoteelka.

Like it? Share it!

Leave A Response