Wararkii ugu dambeeyay Rasaas wali laga maqlaayo Kismaayo

by admin | Saturday, Jul 13, 2019 | 792 views

Rasaas ayaa wali ka socota Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ku dhawaad 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa iyo Weerarka lagu qaaday Hoteelka, waxaana wali dagaal ka socdaa Gudaha Hoteelka.

Madaxda maamulka Jubbaland qaarkood ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka, islamarkaana Saacaddaha soo socda lasoo Afjari doono.

Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response