Wararkii ugu dambeeyey howl-galka Turkiga ee Syria

by admin | Thursday, Oct 10, 2019 | 582 views

Milatariga Dalka Turkiga ayaa duulaan ku haya maalintii labaad dhulka ay ka taliyaan maleeshiyada Kurdiyiinta ee Mareykanka isbaheysiga kula la-dagaalanka Ururuka ISIS ee Syria, laakiin uu Turkigu u arko urur argagixiso.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ujeedada howlgalka ciidamadiisa ee gudaha Syria ku sheegay mid uu kaga hortagayo in xadka ay la wadaagaan Syria ay ku xoogeystaan argagixisada.

Waxaa kaloo uu sheegay in qorshaha wadankiisu yahay sidii loo abuuri lahaa aag nabdoon oo la dejiyo qaxootiga Syria ee haatan ku jira Xeryaha Turkiga.

Wararkii ugu dambeeyay ee duulaanka Turkiga ayuu wariyeheenna Nuur Xassan Nuur Bukhaari ka wareystay Bashiir Macalin Khaliif oo ah Saxafi deggan Magaalada Istanbul

Like it? Share it!

Leave A Response