Wararkii ugu dambeeyey iska hor imaad dhex maray ciidamada Pubtland iyo Daacish

by admin | Saturday, May 9, 2020 | 457 views

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Amniga Dowlad Goboleedka Puntland iyo Maleeshiyada Daacish.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Bosaaso, dableey Hubeysan oo ka tirsan Daacish ayaa weerar ku qaaday Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku sugan bartamaha magaalada, waxaana la soo tabiyay in iska hor imaadkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Askari ka tirsan ciidanka Putnaldn iyo xubin ka tirsan dableyda weerarka soo qaaday ayaa ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal, sidoo kalana ilo madax banaan ayaa sheegay in la qabtay mid ka mid ah dableyda weerarka soo qaaday oo iska hor imaadka ku dhaawacmay.

Sidoo kale Ciidanka Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari nuuca dagaalka ah oo ay saaran yahiin hub iyo waxyaalo qarxa oo sida la sheegay ay doonayeen kooxdaan iney qaraxyo uga fuliyaan gudaha magaalada.

Magaalada Boosaaso mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa laga fulinayay hawlgallo lagu xaqiijinayo amaanka, sida ay dadka deegaanka ku warramayaan ciidamada Amaanka Puntland waxey u muqudaan kuwa ka miradhalinaya hawsha ay baryahaan dambe wadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response