Wararkii ugu dambeeyey qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 14, 2019 | 1146 views

Qarax lagu xiray gaari ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, waddada Makka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Saruf ah oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay kasoo hojeedka Hotelka Furat oo u dhow Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaraxa lagu dhejiyey uu lahaa Taliyaha qeybta Dambi Baarista CID-da, Cumar Cabdi Cilmi, balse uusan geysan wax khasaaro ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya oo ku sugan isgoyska Shaqaalaha ayaa tegay Goobta kuwaas oo xaalada koontoroolaya, isla markaana Gaadiidka qaar wadada ka celinaya.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan

Like it? Share it!

Leave A Response