Warbixin: Farmaajo Oo Sanad iyo Bar Gudahiisa 3 Jeer Lacag Ku Bixiyey La Kulanka Donald Trump

by admin | Thursday, Aug 23, 2018 | 994 views

Maamulka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa inta uu talada hayey 3 jeer lacag siiyey shirkado Mareykan ah, ujeedada waa sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mudane Farmaajo ayaa bishan horaanteedii siisay hey’ad Mareykanka  ah oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group,  lacagta oo dhan $400,000.

Heshiiskan oo Villa Somalia ay bishii $10.000 bixineyso waa sidii loogala hadli lahaa maamulka Trump, waxaa uu socon-doonaa ilaa December 1, 2018.

Heshiiskan oo uu shirkadda la saxiixday safiirka Soomaaliya UNka u fadhiya Abuukar Cusmaan ayaa arrimaha ay rabaan inay ka shaqeeyaan sidii madaxweyne Farmaajo ku booqan lahaa Mareykanka, inuu la kulmo madaxda aqalka cad iyo inuu la kulmo qeybaha kala duwan ee hey’adaha iyo bulshada Mareykanka.

Isla heshiiska waxaa ku xusan, in shirkadda ka shaqeyso sidii dib loosoo celin lahaa kaalmada uu Mareykanka siin-jiray ciidamada xoogga dalka iyo qaadista xayiraada fiisaha. Waxaa SPG u saxiixay Christian Bourge, oo ah madaxa shirkadda fadhigiisu waa Arizona.

Ma aha, wax cusub in maamulka Farmaajo uu heshiis la galo shirkado Mareykan ah, waa markii 3aad tan iyo markii uu xafiiska qabtay February sanadkii hore.

May 2017: Dowladda Farmaajo waxaa ay heshiis la saxiixatay shirkadda BGR government iyada oo shirkadda ay bil walba qaadan jirtay  $35,000, taas oo ka bilaabaneysay May 1, 2017-2019. Lama oga waxa ka fulay, laakin waxaa uu farmaajo shirkadaas ka dalbaday inay kala hadlaan Maamulka Washington , uuna la kulmo Trump, madaxda Congreess iyo bulshada Mareykanka.

November , 2017: Sida ay daabacday  Daily Nation, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaqo siisay Senator-ka howl-gab-ka ah ee Alfonse Marcello D’Amato, sidii uu Soomaaliya uga iibin lahaa maamulka Trump.

Heshiiska waxaa uu dhigayey  in dowladda federaalka ah ay bishii siiso shirkad uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato lacag dhan $120,000, Alfonse waa mas’uul ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo uu wakiil uga ahaa gobolka New York isaga oo aqalka Senate-ka Mareykanka ku jiray 1981-1999.

Isla heshiiska waxaa ku jira in la siiso shirkadda Mr. D’Amato ee Park Strategies sanadkii lacag aan ka badneyn $36,000 oo ku bixi-doono jid iyo jiif.

Farmaajo Muxuu Intan U Marayaa? Mareykanka waxaa uu 10-kii sano ee la soo dhaafay illaa $2 billion ku bixiyay arrimo la xiriira Banii’aadnimada iyo hor-u-marka Soomaaliya.

Waxaa intaasi dheer, Washington waxaa ay $900 million ku taageertaa AMISOM. Lacag kale oo dhan  $720 million waxaa ay Mareykanka u taageereen howl-gallada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ah ee hadda ku sugan Soomaaliya waa illaa 5oo, waxaa ay tababar iyo taageero kale siiyaay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

2011 Iyo Ra’isul Wasaare Farmaajo:

Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu yaqaan inuu lacag ku bixiyo suuq-geyntiisa, xataa waxaan helnay Document hore uu shirkad Mareykan ah lacag siiyay xilligii uu ra’isul wasaaraha ahaa 2011-kii.

March 2011-kii, Ra’isul Wasaare Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu la heshiiyay shirkadda Alfonse Marcello D’Amato iyo PARK STRATEGIES heshiis ay bil walba qaadan jireen $20,000 iyo lacag aan ka badneyn sanadkii $36,000 oo jid iyo jiif ah. Mr. Farmaajo waxaa uu xilligaas sheegay in  muqaddas tahay in codka dowladda Soomaaliya laga maqlo Washington.

Like it? Share it!

Leave A Response