Warbixin ku saabsan Shirka Shidaalka ee Muranka badan dhaliyay

by admin | Thursday, Feb 7, 2019 | 864 views

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

Cusmaan Sheekh Maxamed(Qoox) oo ah madaxa qaban-qaabiyeyaasha dibadbaxa oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ujeedka uu yahay “in la joojiyo shirka xaraashka shidaalka, oo xilligan aaney Soomaaliya u diyaarsaneyn in aan wax la qeybsanno caalamka”.

Qoox oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Sharciga marka la fiiri, aqalka sare shirkan waa diiday, guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha shacabka waa diiday, oo lama soo marin labada gole, sharciyadii lama sameyn, dalka ma aha iib, ma rabno in dalka ceyriin lagu qeyado”.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, waxaana arrintaas isku af  ka ahaa Engineer Karar Shukri Doomey, oo ah agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo shirkadda  sahanka shidaalka ee Spectrum Geo.  Laakin maalmihii tagay ayey isla dowladdii ku sheegtay  shirkan London soo bandhigga sahanka shidaalka Soomaaliya.

Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 

1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla.

2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment)

3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement).

4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn.

5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka

Like it? Share it!

Leave A Response