Warbixin: Manchester United Oo Soo Xereysay Dhakhli Aad Uga Badan Kii Sanadkii Hore

by admin | Wednesday, Sep 26, 2018 | 984 views

Manchester United waxa ay diiwaan galiyey dhakhli badan oo u soo xerooday dhaqaale sanadeedka sanadkan 2018.

Red Devils waxa ay soo xereysay £590million sanad dhaqaaleedkii tegay, iyada oo macaash u heshay £44.1m.

Ku xigeenka madaxa fulinta ee United, Ed Woodward waxa uu yiri: “Qof walba oo kooxda ka tirsan waxa uu si aan daal lahayn uga shaqeynayaa sidii ay Manchester United 66-da koob ee ay qaaday iyo 25-a Jose waxa ugu dari lahaayeen.

Taas waa waxa ay taageereyaasheena muxubadda badan iyo sooyaalkeenu dalbanayo.

“Waxaan ku taagannahay falsafaddeena, ol’olihii hore waxaan soo saarnay carbis badan oo kuliyadda ah oo helay daqiiqado badan  kana badan qof kasta oo Premier League ah.”

Guud ahaan xilli ciyaareedkii 2017-18, Manchester United waxa ay mushaaraad u bixisay £295.9million.

Macaashka waxa uu kordhay £32.4million marka lala barbar dhigo sanadkii hore ama 12.3 boqolkiiba marka loo eego 12kii bilood ee la soo dhaafay.

Like it? Share it!

Leave A Response