Warbixin: Maxaa Ka Jira In Ay Real Madrid Iyo Chelsea Heshiis Ka Gaareen Edin Hazard?

by admin | Saturday, Jul 21, 2018 | 1013 views

Chelsea waxa ay heshiis Real Madrid kala gaadhay iibinta Edin Hazard oo ay isku afgarteen aduun dhan 190 million (£170m), sidaas waxaa laga soo xiganayaa warar ka soo baxaya France.

Mar uu hadlay koobkii aduunka kaddib waxa uu sheegay in uu doorbidayo ka tegidda Stamford Bridge halka Real Madrid ay tahay jihadiisa macquulka ah.

Hazrad qandaraaska uu kula jiro Chelsea waxaa ka harsan laba sano oo qura.

Sida laga soo xiganayo Le10 Sport, Madrid waxa ay dar dar galisay wadahadalada Hazard toddobaadkan waxa ayna Chelsea ka wada heshiiyeen qiime lacageed gaaraya £170m.

Warbixinta waxaa lagu sheegay In Los Blancos ay hore ula hadashay aabaha Hazard oo ay hadda u soo gudbeen la xaajoodka Chelsea.

Saxafiga caanka ah ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in uu jiri doono kulan u dhexeeya qareenada ciyaaryahanka, aabihiis iyo wakiilo ka socda Real Madrid sabtida.

Laakiin waxa iyagana ka imaanaya Itlay ayaa tibaaxaya in Real Madrid aysan dooneyn ka bixinta Hazard wax ka badan €125m (£112m balse ay diyaar u tahay in ay heshiis gooni ah ku raadiso Thibaut Courtois.

Courtois wax ka yar 12 bilood ayaa uga harsan qandaraaska uu ku jiro waxaana la fahansan yahay in uu daneenayo ku laabashada Madrid.

Dhinaca kale Barcelona ayaa toddobaadkan muujisay sida ay uga go’an tahay in ay u hesho Hazard waxa ayna Blues u bandhigtay heshiis uu qeyb ka yahay Ousmane Demebele.

Like it? Share it!

Leave A Response