WARIYAHA CAALAMIGA AH INTA AANU FALIN BUU KA FIIRSADAA,RUNTANA KAMA FOGAADO {WARBIXIN}

by admin | Monday, Jun 17, 2019 | 726 views

Burburkii ka dib warbaahinta afka Somalida si aad u weyn ayay isu bedeshay,waxaa la arkay Telefishino,Radio,shabakado iyo baraha Social mediyaha oo noqday meel qof waba wuxuu doono uu sheegi karo,waxaa la arkay dad aan tababar wariyenimo aan soo qaadan oo maalin shaashad hadii ay ka soo baxaan ama codkooda laga maqlo Radio isla markiiba loogu yeero Wariye HEBEL iyo Wariye HEBLAAYO,taasoo qof walba wixii ra’yigiisa ah ama reerkuu ka dhashay ah la soo goob taga.

Dhanka kale anshaxa warbaahinta waxaa ka mid ah in gebi ahaan aan la isticmaali karin WEJIYO la garan karo oo dad dhintay,iyadoo ay ka sii xun tahay hadii CARUUR ay yihiin,warbaahinta caalamiga ah ee aduunka si fiican u eeg,iyagoo wejigii ama jirkii qarinaya ayaa weli inta aan lagu tusin DIGNIIN ay ka soo hormareysaa.

Telefishinada Somalida waxaa maalin walba lagu arkaa WARIYE hebel,kuwaasoo qaabka ay u hadlayaan ama wax u soo gudbiyaan uu yahay,sida maqaayadaha lagu shaahoo oo kale.

 

wariyaha marka uu diyaarinayo war muhiim ah waa in uu xaqiijiyaa waxa uu umadda u gudbinayo,waa in waqtiga la soo tebinayo ay ahaataa xili dadka daawada ay yihiin kuwa sawirrada ama video qaar u adkeysan kara!,

W/D:Bashiir cabdulahi cismaan

baladweyne,soomaaliya

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response