Wariye Gurbiye oo maanta lasoo taagayo Maxkamada gobolka Banaadir

by admin | Tuesday, Jul 14, 2020 | 421 views

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta lagu waddaa in lasoo taago Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah Wariye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee Muqdisho.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa 7 bishaan la horkeenay Wariye Gurbiye, waxaana Maxkamada dib loo dhigay ka dib markii Qareenadda ay is horistaag ku sameeyeen.

Qareenka u doodayay Wariyaha Daahir Carab ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwada loo heysto Wariye Gurbiyo ka dib markii ay caddeeyeen in aan loo adeegsan karin xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed.

14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Cabdicaasii ayaa maalmo ka dib damiin lagu sii daayay , laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Covid-19.

Like it? Share it!

Leave A Response