Wariye lagu dilay Gaalkacyo

by admin | Wednesday, Sep 19, 2018 | 1112 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu ku geeriyooday wariye C/risaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyeyaasha ka hawlgala Idaacadda Codka Nabada ee magaalada Gaalkacyo.

Wariyaha ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Weerar loo adeegsaday Toorey oo xalay Kooxo hubeysan ay ugu geysteen Magaalada Gaalkacyo qeybta maamulka Puntland.

Kooxaha hubeysan ayaa wariyaha weeraray xilli uu xalay kasoo baxay xarunta Idaacadda Codka Nabadda, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo uu ugu dambeyntii uu u geeriyooday.

Ilaa iyo hadda lama oga sababata ka dambeysay dilka saxafigaas balse kooxihii dilka geystay ayaa Goobta ka baxsaday.

Allaha u naxariistee Wariyaha ayaa caan ku ahaa ka shaqeynta Arimaha Bulshada iyo goobaha danta guud oo uu ka duubi jiray Barnaamijyo maqal iyo muuqaal.

Ciidamada Ammaanka ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wadda howlgallo lagu baadigoobaayo Kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response