Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb

by admin | Monday, Jul 13, 2020 | 424 views

Waxaa Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii Madaxda dowlad Goboleedyada uga socday Magaalada Dhuusamareeb labadii Cisho ee la soo dhaafay,kaas oo ka kooban Shan qodob oo looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Shanta Madaxweyne Goboleed ayaa warmurtiyoodkooda waxaa ugu muhiimsanaa in marnaba aysan dib u dhicin doorashada dalka oo aysan madaxda dalka muddo kororsi sameyn iyo in Madaxda Dowladda Federaalka ay kasoo qeyb galaan wajiga labaad ee shirka si looga tashado arrimaha doorashooyinka dalka.

Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka ay shirkoodii kasoo saareen Dowlad Goboleedyada.

Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay

1. In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

2. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

3. Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

4. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

5. Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response