Warqado Digniino Ah Oo Xaley Lagu Arkey Magaalada Mogadisho

by admin | Friday, Oct 19, 2018 | 820 views

Waraaqo u  digniin ah oo la aaminsan yahay in ay qoreen maleeshiyaadka ururka Daacish, ayaa lagu daadiyay ilinka Idaacadda Goobjoob ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu amrayay in maamulka warbaahinta Goobjoog damiyaan Idaacadda.

Ilaa iyo hadda ma jiro cid warbaahinta Goobjoog ka tirsan oo arrintan ka hadashay, hase yeeshee arrintan ayaa ah mid ugub ah isla markaana aan la ogeyn Daacish sababta ay u beegsadeen waase haddii la xaqiijiyo in ay ayaga ka dambeeyeen.

Sida ka muuqata warqadan digniinta ah,waxaa  lagu sheegay in muddo labo todobaad ah lagu xiro Idaacadda Goobjoog haddii kalena loogu goodiyay in ay ciqaab la kulmi doonaan maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda.

Baraha bulshada ay ku xiriirto ayaa lagu baahiyay warqadahan digniinta ah, kuwaas oo dadka aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response