Wasaaradda Amniga DF oo Guddi u xilsaareysa Xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan.

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 707 views

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sheegay in guddi loo xilsaarayo shaqaadii ka dhacday Duleedka Magaalada Baladweyne.

Howsha guddigaan waxa uu ku sheegay in ay warbixin kasoo diyaariyaan xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan ee ka dhalatay Eedeyntii Yuusuf Daba-geed uu u jeediyay Madaxweyne Waare iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Cabdinaasir Siciid Muuse Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ciidamada Ammaanka ugu digay in ay ka qayb qaataan isku dhacyada Gobolka Hiiraan iyo Xiisadda taagan.

Sidoo kale waxa uu ugu digay Hay’adaha ammaanka in ay ku lug lahaadaan wax waliba oo qal-qal gelin kara shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Duleedka Magaalada Baladweyne waxaa shalay ka dhacay iska hor imaad uu ku dhintay Taliyihii Booliiska Gobolka Hiiraan, halka uu ku dhaawacmay ku xigeenkiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response