Wasaaradda Cafimaadka somaliya oo soo saartay qoraal ka dib markii…

by admin | Thursday, Sep 22, 2022 | 256 views

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta soo saartay Warsaxaafadeed ayee ku sheegtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo musaafiriinta ee ka imaanaya dalka Uganda ay mari doonaan baaritaan guud oo caafimaad ah, ka dib markii Dalkaas laga helay cudurka EBOLA.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala Magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.”

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa ay ku sheegtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo musaafiriinta ka soo socdaala dalka Uganda ay mari doonaan Baaritaan Caafimaad ee la xiriira Caabuqa EBOLA.

“Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday.” Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka XFS

Like it? Share it!

Leave A Response