Wasaaradda waxbarashadda miyay ka leexatay Wadadii lagu yaqaanay?

by admin | Monday, May 20, 2019 | 729 views

Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya oo ka mid ah Wasaaraddihii uu sameeyay burburkii dalka 1991-kii ayaa Sanadyadii ugu dambeyay sameysay dadaallo ku aadan in ay dib u soo celiso qaar ka mid ah  Adeegyaddii ay Wasaaraddo u qaban jirtay bulshadda Soomaaliya ee dhanka Waxbarashadda.

Inkastoo Wasaaraddo aysan wali gaarin halkii laga rabay, hadana waxa ay ku guuleysatay tan iyo markii dalka uu kasoo baxay KMG  Sanadii 2012 -kii in ay hirgaliso iskuullo aan badneyn, dib u habeyn ay ku sameyso manhajka Waxbarashadda dalka, sidoo kana ay dadaal u gasho in dalka laga qaado Imtixaan Mideysan oo ay ka qeyb galaan dhammaan Ardayda Dugsiga Sare ee ka baxaysa Fasalka Afraad.

Ma jiro adeeg waxbarasho oo dugsi Sare ah oo wasaaradda ay bixiso ,waxaana dhammaan iskuullada Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho gacanta ku haya dallado la aasaasay burburkii ka dib, kuwaasoo lagu ammaano in ay dadaal badan ku bixiyeen dib u soo nooleynta waxbarashadda dalka.

Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ee Sanadkii 2015-ka ayaa ku guuleysatay muddo 25 sano ah ka dib in markii ugu horreysay  dowladdu qaado Imtixaanka mideysan ee Shahaadiga Dugsiga Sare, iyadoo sanadkaasi ay u fariisteen illaa 7-kun oo arday.

Wixii ka dambeeyay Sanadii 2015-kii oo aheyd markii Wasaaradda waxbarashadda ay kasoo gudubtay mid ka mid ah Caqabaddihii ugu waa weyn ee ahaa in la qaado Imtixaan Mideysan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Shaqadda Wasaradda ayaa ku socotay si dardar leh.

R/Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilawday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada 11 Bishaan, islamarkaana ugu dambeyntii fashilmay taasoo abuurtay Kalsooni daro.

2019-ka oo Wasaaradda waxbarashadda uu ka yahay Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre waxa ay  wajahday Caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin Imtixaanka dowladda oo qish dhammaan la helay Maadooyinka, Khilaafkii Wasaaradda waxbashadda iyo maamulka Puntland iyo Hadallo uu sheegay Wasiir Goodax oo abuuray Xiisaddo.

Afar Sano oo Imtixaanka dowladda la qaadayay maanta qaar ka mid ah maamul goboleedyadda ayaa Kalsoonidii kala laabtay Wasaaradda waxbarashadda sidda ay sheegeen Wasiiradda Waxbarashadda maamul goboleedyada oo sheegay in Wasiirka uu ku deg degay in dhammaan Imtixaankii la joojiyo.

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa dhigay Banaanbax ay kaga soo horjeeddaan Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo ay sheegeen in aysan Mas’uuliyad iska saarin ilaalinta Imtixaanka dowladda.

Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay Shaki ka qabaan Kalsoonidda lagu qabi karo in Wasaaradda waxbarashadda ay sii waddo Imtixaanka.

Waxaa sidoo kale xiisad ka dhalatay Hadal Wasiirka waxbarashadda uu ka sheegay Jowhar oo ahaa in uu Fashilmay Imtixaankii maamulka Puntland, taasoo markii ugu dambeysay uu sheegay in warkaasi uusan run aheyn oo uu raalin ka bixinaayo.

Like it? Share it!

Leave A Response