Wasiir Goodax oo Cambaareyn kala kulmay Hadal uu sheegay

by admin | Friday, Apr 19, 2019 | 920 views

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Cambaareyn kala kulmay Hadal uu shalay ugu hanjabay Waalidiinta iyo Ardeyda kunool degaanada maamulka Puntland.

Wasiir Goodax ayaa sheegay shalay in aysan heli doonin Shihaadada ay bixiso dowladda Ardayda degaanada maamulka Puntland hadii aysan ka qeyb galin Imtixaanka Guud ee dowlada Soomaaliya ay iclaamisay.

Madaxda Puntland ayaa Cambaareeyay Wasiirka waxaana ay sheegeen in uu u hanjabay Ardaydii iyo waalidiintii uu u ahaa Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay in 10 kii sano ee ugu dambeeyay ay qaadeysay Imtixaan Mideysan, islamarkaana dowladda dhexe aysan waxba ka khuseyn hanaanka waxbarashadda dalka, maadaama dalka uu yahay Federaal.

Wasiirka waxbarashadda Puntland ayaa ugu baaqay in xilka laga qaado Wasiir Goodax, Maadaama uusan u qalmin hoggaaminta bahda waxbarashadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa raali galin ka dalbaday in uu bixiyo Wasiir Goodax.

Like it? Share it!

Leave A Response